Madaxweyne Bashir oo amray Koonfurta Sudan soohdinta in ay furto

Madaxweyne Bashiir oo amray in koofurta Sudan ay furto soohdinta
Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Jimcihii shaley gaaray magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan, waana markii ugu horrreysay oo oo madaxbanaani koonfurta qaadatay sannadkii 2011.

Mr Bashir ayaa dhiggiisa koonfurta Salva Kiir, waxa ay ka hadleen muranka dhinaca dhulka ee u dhexeeya labada waddan iyo siddii loo calaameen lahaa kala baraha labada soohdin.
Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ayaa ku baaqay in la soo celiyo xiriirka labada wadan iyo caadi lagu soo noqo

“Booqashadan waxa ay billow uu tahay wadashaqeenta ku tacaluqda xiriirka labada waddan,” Madaxweyne Al-Bashiir ayaa yiri mar uu shaley ka hadlaayay caasimada Juba.

Hoggaamiyaha Koonfurta Salva Kiir ayaa isna shegay in madaxweyne Al-Bashiir ay isku raaceen in la sii wado wadahadalada lagu xalinaayoo labada waddan ee Africanka ah.
“Arrimo badan ayaa ka hadalnay,” Kiir ayaa intaas ku daray in uu ka aqbalay Bashiir booqasho uu dhawaan ku tago Sudan waana safarkiisii labaad tan iyo markii ka go’een dalka ay dariska yihiih.

Bashir waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Juba Kiir, oo ah hoggaamiyihii hore dagaalka hoggaamye horre

Ciidamada Bambeeyda ayaa garacaay heesaha labadda waddan kuna soo dhaweeysay madaxweyne Al-Bashiir, wasiiradda koonfurta Sudan ayaa soo dhaweeyay Bashir.

Sidoo kale waxaa ku jiray Ajandaha heshiis la sheegay in dhawaan labada dhinac ay gaareen, kaasoo ah Koonfurta Sudan inta ay bixin doonto saliida ay ka dhoofin doonto Sudan.

Labada waddan ayaa dagaal uu dhexmaray sannadkii horre, markii uu soo dhex galay muran ku aadan dhinaca soohdimaha iyo saamiga ay lee dahay dowladda cusub ee Koonfurta.

Si kastaba, muranka labada dhinac waxaa la sheegay in uu soo khafiifayay wixii ka dambeeyay markii ay heshiis ka gaareen tubooyinka ka imaanaya Jubbada ee soo gala Khartuum bishii la soo dhaafay.

Danjiraha xukuumada Khartuum u jooga caasimada Koonfurta Sudan ee Juba .Mutrif Siddiq, wuxuu dadka wararka fidiya u sheegay in madaxweyne Al-Bashiis si wayn loo soo dhaweeyay.

“Madaxweyne Bashir wuxuu la hadlay dhiggiisa Salva Kiir waxa ay ka hadleeen xiriirka dhexeeya labada waddan iyo sida lagu horrumarin karo iyo faa’ida ay ka heli karaan labada waddan shidaalka la dhoofinaayo,” sidaas ayuu u sheegay danjiraha wakaalada wararak Sudan ee Suna.

Booqashadda Al-Bashiir ayaa lagu tilmaamay mid heer qaran oo uu casuumad ka helay dhiggiisa Koonfurta Sudan Salva Kiir.

Koonfurta in ay madax banaani ka qaadatay waxa ay ku timid dagaalo ahli ah oo socday in ka badann 20-sanno.

Labada Sudan ayaa kulan ku yeeshay bishii March ee sannadkan caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

Wax yaabaha ay isku raaceen waxaa ku jirta in labada waddan ay kala baxaan ciidankooda soohdimaha lagu muran san yahay.

Labada hoggaamiye, weli waxaa u dhiman heshiis in ay ka garaan gobalka Abyei iyo gobalo kale, kuwaasoo wali lagu muran san yahay, waxaana ay u jirtaa 2,000km (1,200 mile) soohdinta labada waddan.

Ku dhawaad 2-million oo qof ayaa ku geeriyooday dagaalka labada gobal 2005 ayaa heshiis ku gaaray siddii loo soo afjari lahaa dagaalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here