Madaxweynayaasha Soomaaliya & Somaliland oo ka hadlay heshiiskii ay wada gaareen..Dhagayso

Sida aan wada ognahay waxaa dalka Turkiga maatna ku soo gabagaboobay wajigii sadexaad ee wada hadalo u soo socday dowladda Somalia iyo Somaliland.

Qodoba lagu heshiiyay waxaa ka mid ah iskaashi dhinaca Amaanka,  Ganacsiga , Argagixisada, Burcad badeeda, ka fogaanshaha hadalada xanafta leh ee wax sii kala fogeyn kara , iyo wadaagista deeqaha caalamiga ah.

Hadaba madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo VOA-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in kulanka maanta uu la yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland, uu qayb kayahay in lasii wado wadahadaladii soo bilaawday sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Shiikh, waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay kawada hadleen amuuro aad u ballaaran, islamarkaasna quseeya sidii ay labada dhinac kalsooni ugu beeri lahaayeen labada shacab, iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo amaanka.

Halkaan ka dhagayso wareysiga Madaxweynaha DFS:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/Madaxweynaha-2.mp3″]

Madaxweynaha ma uusan soo hadal qaadin wax ku saabsan midnimada Soomaaliya, waloow shirkaan uu u muuqdo mid isfaham ah, laakiin kulamada soo socda ee ay labada dhinac yeelan doonaan looga wada hadli doono arimo badan oo xasaasi ah, gaar ahaan taabanaya waxyaabaha ay labada dhinac kala taaganyihiin oo ah, doowlada Soomaaliya oo ku dadaaleysa midnimada Soomaaliya, iyo Soomaaliland oo taagan ineey tahay dal kamadax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka Somaliland, Maxamuud Axmed Siilaanyo, oo isna wareysi gaar ah siiyay VOA-da, ayaa u muuqday inuu wali ku adkeeysanayo gooni isku taaga Soomaaliland, waxaana uu sheegay in Somaliland ay faa’iido ugu jirto iney ka qayb gasho wadahadalka Soomaaliya, islamarkaasna ay Caalamka u muujinayaan sida ay u doonayaan ineey noqdaan dal kamadax banaan Soomaaliya, taasna aan gor gortan laga gali Karin.

Halkaan ka dhagayso wareysiga madaxweynaha Somaliland Siilaanyo:

https://midnimo.comm/?attachment_id=32452

Maamulka Somaliland waxa saaran cadaadis caalami ah iyo mid goboleed kadib markii 21 sano oo gooni isu taag ah la ictiraafi waayey, isla markaana Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud caalamku u aqoonsadey in uu metalo Soomaaliya oo dhan, madaxda Somaliland culeyska caalamiga ah ee la doonayo in wadahadal ay Soomaaliya wax kula dhamaystaan waxaa hortaagaan dadkii 21-ka sano madaxdooda laga buuxiyey Ictiraaf ayaa soo dhaw iyo sida looga gadi karo wax ka yar arintaas.

Wadahadaladan ayaa noqonaya kii 3-aad oo ay Soomaaliya iyo Somaliland wada yeeshaan, waxaana ka horeeyay laba kulan oo ay labada dhinac ku wada yeesheen London iyo Dubai, labadaas kulan ayaa dhacay Xiligii ay doowlada KMG ah ka talineysay wadanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Heshiiska ay Somalia iyo Somaliland ku gaareen ma ahan mid Cusub oo xambaarsan miro cusub , laakin waa mid sii xoojinaaya Siyaasaddii Reer Galbeedku ugu tala galeen iney kula dhaqmaan Maamulada Somalia ka jira oo ay ugu magac dareen “Dual Track Policy” oo Turkigana hadda qeyb ka noqotey.

    Waxaa kale uu Heshiiskani xoojinayaa Siyaasadda Federaaliga ah ee la qorsheynaayo in dhidibada loogu aaso, laguna dhiso Dawlad Federaali ah ee ay yeelato Ummadda Somaliyed, halkaasna looga gudbo Siyaasaddii ahayd nidaamkii bur burey ee ahaa “Dawlad Dhexe oo awoodda oo dhan ku jirtey gacanta Dawladda Dhexe”.

    Baarlamaanada Labada dhinac iyo kuwa Maamulada Dawlad Goboleedyada kalena waxaa hor taala Hawl Adag oo loogu sugaayo iney Dhameestiraan Qabyo Qaraallada Dastuurka kan Guud iyo kan Maamul Goboleedyada oo guud ahaan kaga mid ahaanayaan Fulinta Siyaasadda Federaalka iyo qaabka wax wada wadaagga ee Falsafadda iyo Siyaasadda Federaaliga waafaqsan.

    Ugu dambeyntii haddii ay Xaaladdu sidaas tahay, waxaan fileyno waa in Beesha Caalamka ay ku saleyn doonto Siyaasadeeda ku wajahan Somalia mid ay kula dhaqanto Maamulada hadda jira qaabkii hore oo lagu kordhiyey Kormeerka Hawlaha Horumarinta , dib u dhiska, maamulka Lacagaha iyo soo celinta Nabadgelyada muddada afartaan sano ee socota haddii Ilaaheey sidaas si ka bedelan uusan ka dhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here