Puntland iyo Galmudug oo ogolaaday in ay ka qeybgalaan Shirka Istanbul (Dhageyso)

Mas’uuliyiinta maamulada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan sheegay in ay qaadaceen shirka Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqay in ay ka qeybgalayaan.

Wareysi ay si wada jir ah u siiyeen iyaga oo isla jooga laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayey C/raxmaan Maxamuud Faroole madaxweynaha Puntland iyo Maxamed Axmed Caalin madaxweynaha Galmudug ku sheegeen in loogaga garaabay wixi ay tabanayeen haatan diyaar u yihiin in ay u dhoofaan magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Puntland, Faroole ayaa sharaxay wixi ay ka gadoodeen iyo sida haatan loo qanciyey waxan uu yiri.

Dhageyso wareysiga labada Mas’uul

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/05/galmudig.mp3″]

“Maalin dhexdaasi waa tii aan diidnay oo aan sheegnay inaanan ka qeybgali doonin Shirka Istanbul inaga oo shaki ka qabnay gaar ahaan waxan  leeyahay ururada bulshada rayidka ah oo Xamar laga wada keenay dadkeyaguna ka maqnaa, arintaasi waa ka wada hadalnay dowlada Turkiga wixi aan ka qabnay ayaan sheegnay dabadeedna go,aan baanu ku gaarnay in aan shirki kasoo qeybgalno, Wasaarada arrimaha dibada ayaan halkaan ku gulanay halkaas ayaana ku kala qanacnay, xaga baanu tageynaa si toos ah ayaana uga wada hadli doonaan maamul ahaan iyo qaababka kale ee siyaasadeed iyo wixi la xiriira, anaga iyo Galmudugba waan isla soconaa,”

Maxamed Axmed Caalin ayaa isaguna qiray inuu ka qeybgalayo shirka, waxaana ay ku sugayaan haatan diyaarad dalka Jabuuti, diyaaradaasi oo ay Turkiga usoo dirtay ayaa marka hore kasoo qaadi doonta magaalooyinka, Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe ergooyin u badan odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka kala soca maamulada Galmudug iyo Puntland.

Shirka caalamiga ah ee Istanbul ayaa si rasmi ah u furmi doona maalinta berito ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 31-ka May.

Puntland iyo Galmudug oo qaadacay shirka Istanbul iyo Somaliland oo ka qeybgalee (Dhageyso)

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com