Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo Qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Middobay Mahiga (Sawirro)

(Mogadishu, Somalia,Desember ,19,2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya Ergayga gaarka ah ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaliya Ambassador Augustine Mahiga.

Kulankaas ayaa waxaa uu Madaxweynaha kaga hadlay dhowr arimood oo ay ka midyihiin,xal u helida dhalinyarada da’da yare ee iska soo dhiibayo dhinaca Al-Shabaab iyo doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.” Haa waan u baahanahay in ay beesha Caalamka na saacidaan, laakin waa marka anaga waxaan codsano nalaga saacido” Madaxweynaha ayaa saa ku wargeliyay Ergayga gaarka ah ee Qaramda Midoobay.

Ugu danbeyntii,Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay looga baahan yahay in hey’ ad walba ay la shaqeeyso Wasaarda ay isku shaqada yihiin.Taasina ay keeneyso in Wasardahaas ay horumar gaaraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here