Madaxweynaha “Waxaan ku Daalay Maqalka askari ku labisan dharka dawlada ayaa Dad Dhibaateyey, Muddo kooban Lama Maqli Doono”

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey hadal muddo badan laga shanqar dhawrayey kaasi oo ku aadanaa ciidamada hubeysan ee magaalada dhinacba mar ugooshaya.

Xasan Shiikh waxa uu tibaaxay in wax badan uu ku daalay maqalka rag ku labisan dareeska ciidamada ayaa dad ku dhibaateyey muqdisho,qaar way dileen,haween bay kufsadeen ama dhac bay geysteen taasina xal deg deg ah ayey dawlada ka gaari doontaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe ah in dhamaan ciidamada hubeysan magaalada laga saarayo kuwaa oo xeryaha ciidamadana la geyn doono marka askariga uu soo baxayana ay noqoneyso kaliya inuu shaqo usoo aaday magaalada ama ehelkiisa uu fasax u’aadayo.

“Waxaan ku daalay Maqalka askari ku labisan dharka dawlada ayaa dad dhibaateyey laakiin muddo kooban lama maqli doono,mana ogolaan doono maleeshiyaad dharka dawlada ku labisan oo shacabka dhibaateeya ayuu yiri madaxweynaha”.

Sidoo kale Professor Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugacma haatiyey dhalinyarada udagaalameysa Al shabaab uguna baaqay inay kasoo baxaan dawladana ay soo dhaweyneyso.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa cod dheer ku sheegay inay mar walbo ku dadaalayaan sidii walaalahooda somaliyeed usoo dhaweyn lahaayeen hadii ay kasoo laabanayaan fikirka qaldan ee shabaabku wadaan.

“Dawlada Cafis way idiin sameyn doontaa insha allah waa hadii al shabaab aad kasoo baxeysaan,inan cafis idiin sameyn weyno waa mid aan macquul ahayn soo dhawada kasoo baxa al shabaab ayuu yiri madaxweynaha”.

Warkaan kasoo baxay madaxweynaha Somalia ayaa kusoo aadaya xilli dhibaato weyn shacabka muqdisho ku dhaqan ku qabaan maleeshiyaad hubeysan oo dadka dhac iyo dil ay kufsi haweenka ah dheer tahay kala kulmaan rag dareeska dawlada ku labisan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here