Madaxweynaha & Wafdigiisii oo la filay inay Dalka kusoo noqdaan

Garoonka diyaaradaha Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Sida ay inoo sheegeen dad ka shaqeeya madaxtooyada Somaliya waxa maanta lagu wadaa in dalka ay dib ugu soo laabtaan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Maalmahan waxay kusugnaayeen Dalka Mareykanka waxaana ay halkaasi kaga qeyb galeen Shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobeey.

Waxa aad loo adkeeyey Amaanka Madaxtooyada wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa waxaana lagu arkayaa wadada Maka Al Mukarama ciidan katirsan Dawlada oo xiray wadadaasi.

Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusugan mas’uuliyiin katirsan Labada Gole kuwaasi oo isu diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha ee la filayo inay saacadaha soo socda yimaadaan Muqdisho.

Wixii faah faahino kasoo kordha imaanshaha wafdigaasi Muqdisho dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here