Madaxweynaha Ugu Caqliga Badan Adduunka+Taariikhdiisa oo Kooban

Madaxweynaha Zimbabwe Rober Mugabe
Madaxweynaha Zimbabwe Rober Mugabe

Waxaa laga yaabaa in aanay maankaaga ku soo dhicin in madaxweyne Afrikaan ah uu yahay madaxweynaha ugu caqli badan aduunka.

Waxaa kale oo hadana aan kuu cuntamaynin in madaxweyne dalkiisa dunida inteeda kale laga go’doomiyay ayaa hadana ah madaxweynha ugu caqliga badan.

Waxaa kale oo aadan la qeyn in madaxweyne keligii taliya ay hogaamiyayaal badan u haystaan ayaa ah madaxweynaha ugu caqliga badan aduunka.

Si kastaba ha ahaatee, barta internetka ee la yiraahdo Syleasia ayaa waxaa ay qortay in madaxweynaha Zimbabwe Rober Mugabe uu yahay madaxweynaha ugu caqliga badan .

Robert Mugabe waxaa uu dhashay 21-kii Febraayo 1924-kii. Waxaa uuna ku dhshay tuulada Kutama. Waxaa uu dhigtay dhowr iskuul oo ah kuwa Missioneriga.

1941 waxaa uu ka bartay qaba macalinimada.waxaana uu macalin ka noqday dhwor dugsiyada sare ee dalkiisa ka hor inta aanu u guurin dalka Koonfur Afrika halkaas oo uu ku bartay bachelorkiisa luuqadda Englishka iyo taariikhda,

Waxaa uu jaamacadda koonfur afrika uu ka soo laabtay 1951-kii. Waxa uu hadana bare ka noqday iskuulo dhowr ah oo ku yaalay Rhodesia.kadib waxaa uu sidoo kale bilaabay degree waxbarashada ah.

Sanadii 1957-kii Robert Mugabe waxaa uu u wareegay dalka Gaana halkaas oo uu macalin ka noqday Colleg-ka St.mary’s, waana halkaas meesha uuu ka soo bilaabay damaciisa siyaasadeed.

Rober Mugabe waxaa uu halkaas kala kulmay xaaskiisii ka geeriyootay Sally Hayfron.

Mugabe waxaa uu dib ugu soo laabtay dalkiisa 1960 halkaas oo uu ka galay siyaasada dalkiisa. Waxaanauu xoghaye u noqday xisbigii NDP oo markii danbe la mamnuucay.

Jagooyinka uu qabanayay waa ay sii bateen. Kadib waxaa uu noqday gudoomiyaha xisbigiisa Zanu oo uu markii danbe uu qabtayjagada madaxweynaha Zimbabwe.

Mugabe waxaa uu helay shahaadooyon sharaf oo aad u badan.waxaan uu qaar kamid ah ku  utaystay horumarinta dalkiisa. 1988 waxaa uu helay shahaado sharaf la siiyo qofka ku wanaagsan hogaaminta.

 

W/Q: maxamed Xusmaan New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here