Madaxweynaha Uganda oo ciidankiisa u sheegay in aysan guursan karin hablaha Soomaaliyee

Madaxweynaha Uganda Yweri Musavani ayaa u sheegay ciidamada ka jooga Soomaaliya iyo kuwa iminka kusoo wajahan in aysan guursan karin dumarka Soomaaliyeed, ilaa ay ka dhameysanayaan waajibaadkooda.

Hadal uu ka jeediyey xero ku taala gobolka Nagasaaka oo tababar loogu soo xiray ciidamo ayuu Mr Musavani ka sheegay in ay jiraan ciidamo Ugandes ah oo Muqdisho ku aroosay hablo Soomaaliyeed.

Wuxuu ku dhiiri geliyey ciidamadan cusub in aysan guursan dumarka Soomaaliyeed balse ay gutaan waajibaadkooda qaran ee loogu dirayo Soomaaliya.

“Waxana idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan xiririka dumarka Soomaaliyeed, hada waxaa jira ciidamo caruur ka dhalay dumar Soomaaliyeed kadib marki ay guursadeen, waa in aad ixtiraamtaan sharciga aqlaaqdana ku dadaashaan”

Horay eyey ciidmao badan oo Ugandes ah u guursadeen dumar Soomaaliyeed, qaarkood dalkooda ayey u kaxeysteen qaarna si qarsoodi ah ayey ugu qabaan Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.