Madaxweynaha Syria oo la arkay markii ugu horreysay tan bishii June

Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa khudbad uga jeediyay dadka Syria TV-ga isagoona sheegay in cadowga Syria ay yihiin cadowga illaah isal markaana ay Naarta ku waari doonaan.

Waxa uu kuu eedeeyay qalalaasaha ka taagan dalkiisa waddamada reer galbeedka sida uu hadalka u dhigay kuwaasoo aan rabin ayuu yiri xasiloni ka dhalata dalkiisa.

Waxa yiri waxa aan ka walaacsanahay dhiiga weli daadanaay gaar ahaan dadka rayidka ee reer Syria.

Mr Assad ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay wadahaddal heer qaran isla markaana isbadal lagu sameeyo dastuurka qaranka ee dalkaas.

Laakin wuxu yiri kooxaha dagaalka wada kama soo qaybgali doonaan shirkaas waana cadow taageera ka hela reer galbeedka,

Waa markii ugu horreysay ee la arko madaxweyne Asad tan iyo bishii June ee sannadkii hore.

Wuxuu kaloo yirin diyaar ayaan u nahay wadahaddal diplomaasi laakin lama xaajoon doono kooxo argagixiso ah.

Si kastaba ha ahaatee, QM ayaa ku qiyaastay in ka badan 60,000 oo qof in ay ku dhinteen qalalaasaha ka taagan Syria tan iyo March 2011.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here