Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay ku wajahan Nairobi

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan sheikh Maxamuud, ayaa lagu wadaa maanta markii ugu horeesay inuu gaarao magaalada Nairobi, ee Xaruunta dalka Kenya, madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doona Masuuliyiinta dalkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa booqashadan waxay u noqoneeysaa tii ugu horeeysay ee uu ku tago dalka Kenya oo ah Dal Soomaalaiya ay daris yihiin, booqashadan ayaa ah mid rasmiya, oo uu madaxweynaha kula kulmayo madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Iskaashi uu mugdi farabadan ku jiro oo ah dhinacyada amaanka iyo Siyaasada ayaa hada ka dhaxjira Soomaaliya iyo Kenya, waxyaabaha uu madaxweynaha Soomaaliya hor geyn doono kulanka uu la qaadanayo dhigiisa Kenya Moi Kibaki ayaa lagu wadaa ineey aad usaameeyso go’aanka ay Kenya maalmo kahor ka qaadatay Soomaalida qaxootiga ku ah dalkeeda, waxaana laga yaabaa in ajandahaas uu tusaale unoqdo Soomaalida ku dayacan dhamaan dalalka Caalamka, oo sidii ay doonaan ula dhaqmayay shacabka Soomaaliyeed ee martida u ah, iyagoo aanan ka cabsi qabin xisaabtan kaga yimaada doowlad ka dhalata Soomaaliya.

Ajandaha ugu weyn ayaa madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu kadhigan doonaa sida ay wararka sheegayaan, arimaha amaanka iyo Siyaasada ee udhaxeeya labada dal oo jahwareer layaab leh uu kajiray bilihii ugu danbeeyay, sababtana waxay tahay Kenya oo si heerka caadiga ah ka baxsan isaga bad badisay, markii Ciidankeeda Taariikhda markii ugu horeeysay gudaha usoo galaya Soomaaliya, mudo sanad ahna ay ku qaadatay in Al-shabaab ay ka qabsadaan magaalada Kismaayo walibi iyagoo kaashanayay Ciidan aan xoog yareen kana Socday Soomaaliya.

Mugdiga kale ayaa ahaa Su’aalo badana layska weydiiyay habdhaqanka Kenya ay ula dhaqanto Taliska AMISOM, iyo doowlada Federaalka oo isna soo saaray Tallaabo u muuqaal eg in Kismaayo aan la qaban ee la qabsaday, sababtoo ah doowlada iyo AMISOM saraakiil ka socota oo heerkooda uu aad u sareeyo doonayayna in magaaladaas ay galaan si siyaasad ahaan ay kaab uga helaan, ayay Ciidamada Kenyaanka eek u sugaan halkaas u diideen ineey cagta dhigaan.

Kooxo iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo doonayay ineey loolan la sameeyaan doowlada dhexe ee Federaalka ayay taasi Fursad usiisay in maamul usamaynta Jubooyinka ay kula jees-jeesaan doowlada, iyagoona doowlada ka dhigaya ineeysan wax shuqul ah ku laheen maamul usamaynta gobollada Jubooyinka, oo hoowsheedana ay ku egtahay Xafiisyada ay ka sahqeeyso kuna yaal Muqdisho.

Si waliba mudo bilooyin ah ayay doowlada Soomaaliya si ay dhowrsanaan kujirto waxa ay kor ka eegeeysay Siyaasada Kenya eek u wajahan Soomaaliya, laakiin hadda ayay Saacada Doowlada malaha ku buuxsantay Xiligii ay kakici lahayd isbadalna ku samayn lahayd habdhaqanka Kenya ee kuwajahan dalka Soomaaliya, iyadoona laga dhursugayo natiijooyinka kasoo baxa kulanka uu madaxweynaha Soomaaliya la qaadan doono dhigiisa Kibaki.

Sidoo kalena kulankaas kadib ayaa lagu wadaa kulamo kale oo la xiriira sidii Ciidanka Kenya looga dhigi lahaa Ciidan Si rasmi ah u hoostaga Taliska AMISOM inuu isna kadhaco magaalada Nairobi.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here