Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirada Holand iyo Sweden

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirada dalalka Holland iyo Sweden.

Ambasador Mikael Lindvell oo ah danjiraha dowladda Swedan ay u soo magacaawday dalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlayay kadib markii warqadiisa aqoonsi uu gaarsiiyay Madaxweyaha dowaladda Soomaaliya ayaa tilmaamay  in 20-sano kadib ay dowaladda Sweden farxad u tahay in ay soo celiyaan xirirkooda kala dhexeeyay Soomaaliya.

“Waxaan ahay safiirka Sweden ee Soomaaliya muddo 20-sano kadib waxaan aad ugu faraxsanahay in aan qabto howshaasi, waxaa jira dad Swedesh ah oo asalkooda Soomaali yahay kuwaasi oo qabta dedaalo ay dib ugu dhisayaan dalkooda Soomaaliya” ayuu yiri safiirka.

Dhanka kale Ambassador Mikael Lindvell waxaa uu isagoo ku hadlaya magaca dowladda Sweden uga tacsiyadeeyaya dadkii ku dhintay qaraxii waxushnimada ahaa ee kooxaha argagixisada shabaab ka geeysteenn magaalada Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Sweden waxaan aad uga tacsiyadeeynayaa shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid dadkii ku geeriyooday qaraxii bahalnimada ahaa ee kooxaha argagixisada ah ka geeysteen magaalada Muqdisho.”

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii ay doowlada Federaalka Soomaaliya aqoonsiga buuxa ka heshay beesha Caalamka ay isa soo tarayaan dalalka Soomaaliya usoo dirsanaya safiirada, sidoo kale tallaabadaan ayaa qayb ka ah dadaalada beesha Caalamka ay taageeradooda ugu muujinayaan doowlada Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here