Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Mandela

D115FF20-6D80-4B30-8C57-ACBAB00546CC_mw505_mh360_sMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela oo xaley ku geeriyooday magaalada Johannesburg.

Madaxweynaha ayaa yiri :”Anigoo kuhadlaya magaca Dowlada kan Shacabka iyo Keygaba waxaan uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo shacabka Koonfor Afrika, qaasatan ehelada iyo asxaabta Geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Marxuun Nelson Mandela waxaana eebe uga baryeynaa inuu eebe unaxariisto eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan kasiiyo.

“Mandela wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh aduunka. Geeridda Geesiga Afrika, Mandela oo ahaa nabadoon waa laga wada xusayaa dhamaan qaaradda Afrika. Wuxuu hormuud u ahaa dhamaan inta u dooda cadaaladda iyo xornimadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here