Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xaley ka degay Magaaladda Bahar Dar, ee dalka Itoobiya si uu uga qeyb galo furitaanka Shirka Tana Forum.

Madaxweynaha waxaa safarkaan ku weheliyo R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/Qaadir.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga ee Qaaradda Africa iyo sidii looga hortagi lahaa amni daradda ka taagan Qaaradda.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in uu qudbad ka jeediyo kulankaan, oo ay isugu imaan doonaan Madaxda dalalka Afrika iyo hey’adaha daneeyo Amniga.

Ugu danbeyntii sida aad la socotaan dowladda ayaa waxey ka dhigatay muhiimadda Kowaad amniga. Kulankana wuxuu u noqon doono fursad ay dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo bandhigto aragtiida ku aadan amniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here