Madaxweynaha Soomaaliya oo dib dalka ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa ay ka qaybgaleen shir-waynihii caalamiga ee looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo Salaasadii horre ka dhacay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka, wuxuuna ka warbixiyay wax yaabaha uga soo qabsoomay shirkii London iyo shirar kale oo ay ka qaybgaleen isaga iyo wafdiga la socday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkii London uu ahaa mid wax badan uga soo hirgalay dowladiisa isla markaana dhaqaale ballaaran lagu yaboohay.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Britain kaalinta ay ka qaateen martigalinya iyo qabsoomida shirka London oo ay ka qaybgaleen in ka badan 50-waddan iyo hey’addo caalami ah.

Wuxuu kaloo sheegay madaxweynaha in shirka London, qoddobada looga doodday ay ahaayeen kuwa ay wadatay dowladda Soomaaliya oo ajandaha iyada ayaa soo diyaarsatay, waxaana loo oggolaaday ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in shirar badan Soomaaliya loo qabtay, laakin wuxuu yiri shirarkaas waxa ay ahaayeen kuwa ay wataan dowlado ama hey’addo gaar ah.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in dhaqaalaha dowladdiisa loogu deeqay shirkii London loo maamuli doono qaab waafaqsan shirciga isla markaana la dabagali doono wax yaabaha lagu qabto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here