Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo furay warlaliye lagu kordhiyey idaacada Hargeysa

Munaasabad ballaaran oo lagu furayay warlaliye lagu kordhiyey idaacada Hargeysa ayaa lagu qabtay maanta  xarunta idaacada Hargeysa.

Warlaliyahan oo ah mowjada gaaban ayaa la sheegay in uu waayay 1000WT kaasoo awood  u leh in qaarado badan oo caalamka ah laga dhagaysto.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyey furitaanka warlaliskan ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin badan oo iskugu jira madaxweynaha, wasiirro , shir guddoonka baarlamaanka iyo marti sharaf kale oo badan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ahmiyad weyn u tahay Somaliland in la helo Idaacad dunida wada gaarto oo xogta lagu kala helo, isla markaana dawladdu umaddeeda wax ugu sheegi karto.

Dowladihii hore ee soo maray maamulka la magac baxay Somaliland ayaa awoodi waayay in ay keenaan warlalis dunida oo dhan gaari kara hase yeeshee maamulka uu madaxda ka yahay Siilaanyo ayaa haatan ku guuleystey in ay xariga ka jaraan warlaliskan cusub.

Radio Hargeysa ayaa ah idaacadii ugu horaysay ee af soomaali loogaga hadlo, waxaana hirgaliyey dawladii Ingiriiska,haseyeeshee waxa maanta loo keenay war laliye aad u weyn oo la sheegay inay gaari doonto dunida inteedda kale.






 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here