Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo booqasho ku jooga Turkiga

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa gaaray magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa casuumad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga gaar ahaan ra’iisal wasaaraja dalkaas Rajib Dayib Ordugan.

Waxaa la sheegay in ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dhinac.

Dhinaca kale, madaxweyne Soomaaliland ayaa inta uusan ka duulin magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu ka qaybgali doono shirka bisha May ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Somaliland horrey ayey u sheegtay in aysan ka qaybgaleynin shirka magaalada London oo ay sid wadajir ah u martigalinayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here