Madaxweynaha Somalia oo xaalada caafimaad loogu duuliyay Istunbul

 

Xasan Sheekh oo xanuun caafimaad ugu duulay Turkiga
Xasan Sheekh oo xanuun caafimaad ugu duulay Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xaalad caafimaad loogu duuliyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Yariisow oo ka warbixiyay xaalada caafimaad ee madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha baaritaan caafimaad u aaday dalka Turkiga balse aysan jirin wax walaac ah oo laga qabo xaalada caafimaad ee madaxweynaha.

Afhayeenka oo la weydiiyay goorta madaxweynuhu uu dib ugu soo laaban doono Muqdisho ayuu Yariisow ku jawaabay inay ku xirnatahay kolba xaalada baaritaanka inta ay qaadato.

Waa markii ugu horaysay madaxweyne Xasan Sheekh uu galo safar caafimaad tan iyo intii uu qabtay xilka madaxtinimada Somalia.

Hoos ka dhagayso Afhayeenka madaxweynaha oo ka warbixinaya safarka caafimaad ee madaxweynaha

Halkan Hoose ka dhageyso

Xaaladda Caafimaadka ee Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here