Madaxweynaha Somalia oo si layaab Muqdisho uga bilaabay ololahiisa doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka bilaabay magaalada Muqdisho ololahiisa rasmiga ah ee doorashada.

Xaflad si abaabulan oo loo soo agaasimay oo ay ka muuqatay in lagu bixiyey qarash badan ayuu madaxweynaha maanta kula hadlay hotelka cusub ee City Plus ee degmada Cabdilcasiis dad u badnaa taageerayaashisa balse ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay farxad weyn tahay in magaalada Muqdisho ay haatan isu diyaarineyso doorashooyin xor ah mudo 42 sana ah kadib.

“Farxad ayey ii tahay in magaalada Muqdisho isu diyaarineyso doorashooyin 24 sano kadib in ay ka dhacaan doorashooyin xor ah, mustaqbalka waxana u diyaarineynaa caruurteena waana in dhalinyarada.”

Shariifka ayaa balan qaaday in dalka uu ku hogaamin doono wadannimo isla markaana uu u diyaarin doono mustaqablka hogaanka dalka dhalinyarada.

“Waxaan rabnaa in dalka aan ku hogaamiyo dareen Soomaalinimo, dareen mas,uuliyadeed, dareen wadannimo, waxaan rabnaa umada SOomaaliyeed oo mdieysan oo dhan walba ka hormartay iyo wax walba,”

Shariifka ayaa si kulyl u cambaareeyey madaxa Gudiga Dabagalka Cunaqabateynta Hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ninka lagu magacaabo Mite Briden kaasi oo uu ku tilmaamay nin umada Soomaaliyeed kala qeybinayo.

Wuxuu sheegay in gudigaan aysan waligood warbixino soo saarin tan iyo marki cunaqabteynta la saaray Soomaaliya, balse sanadki hore ay bilaabeen iyaga oo kusoo beegay xilli abaaro dalka ka jirto iminkana lagu soo aadiyey waqti dalka uu ku jiro xaalado doorasho iyo kala guur.

Madaxweynaha ayaa Golaha Amaanka  ugu baaqay in aysan dalka Soomaaliya usoo magacaabin nin noocaasi ah oo raba inuu kala qeybiyo umada Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kalana sheegay inuu diyaar u yahay in xitaa lagu xiro xabshiga Guantanmo hadii lagu helo eedeyn musuq maasuq.

Ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa ka hadlay taariikhdiisii siyaasadeed inkasta oo uu soo koobay.
“Magaalada waxaan kusoo laabtay sanadki 2000, isla markiiba sanadki 2003 waxaa lay dhiibay Maxkamadi Sii-sii, waa la i yir maxkamadaasi qabo marki ley dhiibayey  iyadoo aan la igala tashan waxbo gacanta kuma heyn, waan fakaray waxaan is dhahay hadii aad diido mashruucana wuu fashilmayaa ee gal, sidaasi daraadeed dadka xiligaasi waa la afduubayey oo waxaa la laynayey ama waa la iibsanayey, marki danbe howhsaasi waxay keentay Soomaaliya ay nabad ku noqoto mudo kooban, marki labaad ee aan soo laabto oo aan madaxtooyada imid madaafiicda ayaa kusoo hoobatay waxaana ka bilownay 0, laakin dhiig ayaan daadinay dadaalna waan gelinay, marka maanta waxaad aragtaan heerka aan mareyno iyo nabada aan heysano,” ayuu yiri.

Qudbadaan uu maanta jeediyey ayaa u muuqata mid uu isugu muujinayo inuu ka mid yahay musharaxiinta ugu cad cad, waxaana dad badan ay ku tilmaameen qodobadi uu soo qaatay mid uu ku qancinayey dadka isaga saluugsan.


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here