Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Itoobiya

Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Itoobiya
Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalda Gaalkacayo isagoo u anba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu kaga qayb galaya shir ballaaran oo muhiim u ah arrimaha manda-qadda Geeska Africa.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirkaasi si rasmi ah loogu casumay Dawladda Puntland, sidoo kalena ay ka qayb gali doonaan qaar ka mid ah madaxda sare ee dalalka Geeska Africa.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame , wasiirka ammaanka Puntland Xasan Cisman Alloore iyo saraakiil kale oo madaxtooyada ka tirsan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa warbaahinta la hadlay ka hor intii uusan ka anba bixin garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo, wuxuuna si kooban u sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ee la soctaaba ay  dalka ethiopia ku sugnan doonaan mudo kooban , kadiba ay dib ugu soo laaban doonaan gudaha Puntland.

1 COMMENT

  1. dowlada dhexe ee federalka maahan in ay ka qeyb gasho shirar loo qabto maamulgobeleedyada lagu casuumo waayo waxaa aduun weynaha la rabaa in la tuso in soomali aysan is rabin in koox walbo ay rabtto kursi madaxweyne in la dhao kadibna tvyada iyo idaacadaha laga sheego shirarkaa noocaan waxay ku tusineysaa in soomaliya ay leedahahay 12 Madaxweyne dowlada dhexe federalka waxaan kula talinlahaa in aysan tagin shirar karaamada soomaliya hoos loo wado wadamada deriskana ay ku fanaan in soomali ay ku jirto hoostooda arimahaan waxaa sabab u ah r/w aan fahamsaneyn runta taariikhda siyaasada somaliya
    awoodi dowlada gacanta u geliyey kuukeyda iyo xabashida marwalbana waxay ka shaqeeyaan danta shisheeyaha waayo waa nin xanuunsan sharafkii soomaliya meel mugdi ah u wado r/w fursad heysto hadana aqoon sidii uu ugu faa,ideysan lahaa khaladkiisa eeda uu sameeyey fashilka kismaayo iyo kan hada uu u socdo in uu tago shirar shirqool ah la rabo in aduunka la tuso in ay soomali aan wada heshiin karin wada hadli karin in dagaal nolol ka dhigteen dagaalada laga hurinaayo puntland iyo somaliland waa tusaale la rabo in aduunka la tuso lacagna lagu cuno soomalina aysan dan ugu jirin hadii dib uheshiisiin la rabo waa in suldaanada boqorada garaadyada iyo odeydhaqameed la shaqo geliyo iyadoo waxwalbo runta laga abaaro sidaas ayaa soomali Amni iyo nabad buuxda ku heli kartaa maahan in la aado wadamo qeyb ka ah burburinta soomaliya iyo in ay lacag ku helaa dowlad la,aanta soomaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here