Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxweynaha Yemen

Madaxweynaha Maamula Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta kulan rasmi ah kula qaatay Madaxweynaha Dawlada Yemen Mudane. Abdu Rabbuh Mansur Hadi.

Kulanka labada madaxweyne oo ka dhacay qasriga madaxtooyada dawlada Yemen ee magaalada Sanca ayaa ahaa kulan ahmiyad gaar ah leh, kaas oo muujinayey saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ay lee yihiin labada dhinac.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Yemen
Madaxweynayaasha Puntland iyo Yemen

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa kulankiisii maanta ee uu la yeeshay madaxweynahada dawlada Yemen waxaa ku weheliyey weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey.

Dhinaca kale waxyaabihii looga wada hadlay kulankii maanta ay yeesheen madaxweynayaasha Puntland iyo Yemen ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac, adkaynta amniga iyo kor u qaadida xiriirka gannacsi ee qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Sidoo kale waxaa iyana waxyaabahii aadka looga wada xaajooday ka mid ah dhinaca xiriirka wada shaqayneed ee dhinaca siyaasada labada dhinac iyo sidii la isu dhaafsan ama la isu waydaarsan lahaa laba Qunsiliyadood oo laga kala furo magaalooyinka Sanca Iyo Garoowe, amuurtaasi oo la isku afgartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here