Madaxweynaha Puntland oo kusoo laabtay Garoowe

 

Madaxweynaha Puntland oo kusoo laabtay Garoowe
Madaxweynaha Puntland oo kusoo laabtay Garoowe

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ku laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib markii booqasho rasmi ah oo hal toddobaad qaadatay uu ku tegay dalka Itoobiya.

Xubno ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyne ayaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay xarunta madaxtooyada, Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay inuu madaxda Itoobiya kala hadlay xoojinta iskaashiga ammaanka iyo ganacsiga ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Puntland.

Wuxuu sheegay in muddadii uu ku sugnaa Itoobiya uu booqday magaalada Jigjiga oo ah xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wuxuu sheegay in si fiican loogu soo dhoweeyay Jigjiga, isagoo intaas raaciyay inay magaaladaasi tahay furaha isku xirka Itoobiya iyo Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Ammaanka ee Addis Ababa (IPSS) muddadii uu joogay Itoobiya.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Cabdiweli Gaas uu ku tegay Itoobiya tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland horraantii January ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here