Madaxweynaha Puntland oo Isku Shaandheeyey Golahiisa Wasiirada

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa inta uusan maanta usoo duulin magaalada Muqdisho waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada ee Puntland.

Wareegto maanta [15/09/2012] ka soo baxday xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu shaaciyey isku shaandheyntan lagu sameeyey golaha wasiiradda ee maamulka Puntland.

Waxaana xubnaha boosaskooda waayey ka mid ah;-

1- Caasho Geelle Diiriye (Wasiiradii haweenka oo gebi ahaan aan ku soo noqon xukuumadda) Waxaana booskeeda lagu bedelay Xaliimo Xasan Xaaji Cismaan.

2- Axmed Cali Askar (Wasiirkii warfaafinta oo gebi ahaan aan soo laaban), waxaana lagu bedelay Maxamuud Caydiid Ibraahim.

3- Xasan Faarax Jaamac “Geerash” (Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha oo aan soo laaban) waxaana lagu bedelay Cali Axmed Gamuute oo horey u ahaa wasiirka duulista hawada.

Sidoo kale waxaa booska baneeyay xubnaha kala ah; Cali Saalax Aadan, Cabdi Yaasiin Maxamed, Maxamuud Faarax Maxamuud iyo Faarax Seed Cilmi oo dhamaantood ahaa wasiir ku xigeeno iyo wasiir dawlayaal.

Wasiirada aadka ugu dhow madaxweynaha oo aan la taaban

1- Wasiirka arimaha gudaha, Gen C/laahi Ilkajiir.

2- Wasiirka amniga, Khaliif Ciise Mudan.

3- Wasiirka waxbarashada, Cabdi Faarax Juxa.

4-Wasiirka maaliyada, Faarax Cali Shire.

5- Wasiirka caafimaadka, Dr Cali C/laahi Warsame.

6- Wasiirka dekedaha, Siciid Maxamed Raage.

7- Wasiirka qorsheynta, Daa’uud Maxamed Cumar.

Madaxweyne Faroole ayaa dhowr mar waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada ee maamulkaasi tan iyo markii uu xilka qabtay oo ahayd 8-dii January ee sanadkii 2009-kii.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here