Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo Muqdisho ku sugan

Xasan-Sheekh-Gaas-iyo-Cabdiweli-Sheekh-300x200Magaalada Muqdisho waxaa soo gaarag  wafdi uu hoggaaminaayo nta magaalada madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobee).

Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeyb-galaya aaska qaran ee loo sameynayo raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirsaaq Xaaji Xuseen.

Maalinta berri oo Jimce ah ayaa lagu wadaa in maydka raysul wasaarihii hore lagu aaso magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu gaaray Muqdisho wuxuu kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed