Madaxweynaha Pakistan Zardari oo booqanaya India

Madaxweynaha dalka Pakistan Asif Ali Zardari, ayaa maanta ka dagay dalka India isaga oo noqday hogaamiyihi ugu horeeyey ee ka socda dowlada Islamabad oo booqda India mudo 7 sana ah.

Waxa uu kula kulmay saldhiga ciidanka cirka ee Delhi wasiirka arrimaha baarlamaanka Pawan Kumar Bansal.

Mr Zardari waxa uu la qadeeyey ra’isulwasaaraha India Manmohan Singh, ka hor inta uusan u socdaalin minaarada ay muslimiinta caanka ku yihiin ee ku taala magaalada Rajasthan.

Waxaa la rajeynayaa in kulanka uu kordhin doono xiriirka xaga dhaqaalaha ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya cadawtooyi siyaasadeed oo mudo dheer soo jiitameysay iyaga oo sidoo kalana horay uu u dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.