Madaxweynaha oo xalay kulan qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK Sawiro&Warbixin&Cod

Su’aalihii ay dhalinyarada goobta isugu timid ay weydiiyeen madaxweynaha, waxaa kamid ah, qorshaha doowlada ee xiliga dhow iyo Kaalinta ay dhalinyaradu ka ciyaari karaan waqtigaan xasaasiga ah.

Madaxweynaha ayaa su’aashaan kaga jawaabay inuu garawsanyahay Kaalinta dhalinyarada, hase yeeshee amnigu uu yahay kan furaha u ah ka faa’iideysiga xirfadaha dhalinyarada, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.

“…Dhalinyarada waxaan u arkaa ineey yihiin waxa kaliya ee ay maanta Soomaaliya haysato dib u dhis iyo ineey dib usoo noolaato, laakiin mushkilada jirtaa waa maxay, maanta dalkeena duruufaa kajira oo qof kastoo wanaagsan oo dalka wax inuu qabto rabo aanan waxbo u qaban Karin, maxaa yeelay waxaa maqan amnigiin, amnigana waa koow, mar hadaadadn awoodin inaad dhalinyarada wacyi galin oo aadan soo gudbin karin fikirkaaga, oo mashruuc intaad dibada ka keento aadan dhalinyarada uga faa’iideyn Karin, waa dhibaato, marka hore waa inaan amniga xaqiijinaa…” ayuu yiri madaxweynaha.

Su’aal kale oo madaxweynaha la weydiiyay ayaa ahayd, waxa doowladiisa ay ka qaban karto dhalinyarada Soomaalida ah eek u xiran xabsiyada dalal kala duwan oo Caalamka ah, iyadoona madaxweynaha si gaar ah wax looga weydiiyay nin dhalinyaro ah oo doowlada Britain ay ku tuhuntay inuu kaalmo u fidiyay ururada xag jirka ah, kuna xiran xabsiyada dal kamid ah kuwa reer galbeedka, isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu ku jawaabay madaxweynaha.

“….Waa run wiilkaas walaalka uu sheegay oo kaliya maahan, waxaa xiran dad badan oo Soomaaliyeed, dalka Kenya ee dariska nala ah waxaa ku xiran 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo burcad-badeednimo lagu xukumay, qaarkood inta la xukumay oo ay xabsiga dhamaysteen ayay wali sii xiranyihiin, anaga ka doowlad ahaan dadkaas Soomaalida ah ee meelahas ku xiran aad iyo aad ayay noo dhibee, waxaan marka ku dadaaleeynaa in anaga nagula taageero inaan dib u dhiso xabsiyadeena oo dhalinyaradaas loo soo wareejiyo gudaha dalka…”.

Madaxweynaha oo sidookale ka hadlaya shaqo la’aanta dhalinyarada haysata, ayaa waxa uu sheegay in shaqo la’aanta ay tahay mid kamid ah sababaha dhalinyarada ku riixeysa xagjirnimada iyo danbiyada kale, waxa uu sheegay in dalka oo amaan laga dhigaa ay Al-baabada u furi doonto maalgashi iyo fursado shaqo oo ay dhalinyarada helaan.

Dadka kasoo qayb galay Xafladii xalay ayaa waxaa kamid ahaa fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed, Maryan Mursal Ciise iyo Axmed Naaji Sacad, waxayna halkaas ka qaadeen Heeso guubaabo ah.

Fanaanada qaranka ee hobolada Waaberi, Maryan mursal Ciise Bootaan, ayaa waxay xaflada ka qaaday hees aad usoo jiidatay oo ay u wada istaageen ka qayb galayaashii xaflada oo ay ugu tala gashay madaxweynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Anas, waa wiil Soomaaliyeed oo 8 sano jir ah, waxa uu ku dhashay wadanka Ingiriiska waligiis ma’imaanin dalka Soomaaliya, waxaase cajiib la noqotay ka qayb galayaashii xaflada iyo wafdiga madaxweynaha, waxa uu halkaas ka tiriyay gabay uu horay u tiriyay Abwaanka Soomaaliyed ee weyn Rabi ha’unaxariistee (Abwaan C/laahi Suldaan Tima Cadde).

Anas oo la dar daarmaya madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri:

Darajada Ilaaheey ninkii dooniyaa hela’e

Ninka duday dastuurkii waxyiga

Diintaa ka carooniye

Dugsi maleh qabyaaladi

Waxay dumiso mooyaane

“…Waxaan rabaa inaan madaxweynaha la dar daarmo, nin lagu seexdoow ha seexan, xilbaa sidaa ha seexan, madaxweeynoow lagu wada amaani maayee, yaan lagu wada caayin…” ayuu yiri Anas.

Xasan Shiikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya oo gaba gabadii xafladaas ka hadlay, ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee dalka Britain ku nool ka dalbaday, ineey doowladiisa la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan, kana gudbaan qabiilka iyo kooxo taageerida, mustaqbalka Soomaaliyana ay qayb weyn ka qaataan.

“…Dadkiinaan Soomaaliyeed ee qurbaha joogaahi bad baadinta Soomaaliya waxaad kasoo qaadateen qayb weyn welina waad ku jirtaan, hadii ay tahay qoyska Soomaaliyeed Caawa saxanka Bariiska uu miiska soo saaranayo oo aad adinku qeyb weyn ka tihiin, hadii ay tahay tacliinta jirta, markaan inaad xoogiinaa iyo Caqligiina aad u weecisaan doowlad dhisida, markaan waa inad xoogiina iyo Caqligiina aad ka reebtaan waxyaabo badan oo dadka nagu xaman jiray oo ah reer hebel hala taageero iyo koox hebel hala taageero…” ayuu yiri madaxweynaha.

Midnimada dalka:

Madaxweynaha, ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday midnimada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in hadii ay yihiin madaxda dalka Soomaaliya hadafkooda uu yahay ineey mideeyaan Soomaaliya miin raas kambooni ilaa Raas-caseyr.

“…Halka hadaf aan leenahay inaan gaarno oo aan ku riyoono waa 2 arimood oo kala ah, inaan aragno Soomaaliya oo mid ah, iyo Soomaaliya oo degan,hadafka nolosha aan leenahay waa labadaas….” Sidaa waxaa yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Halkaan ka dhagayso Khudbada madaxweynaha:https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/madaxweynaha-2.1.mp3

Boqolaalka dadweynaha ahaa ee xalay ka qayb galay xaflada lagu soo dhaweeynayay madaxweynaha ee ka dhacday London, ayaa dhamaantood waxaa ka muquanayay taageerada ay u hayaan madaxda doowlada, iyo doowlada cusub ee ka hana qaaday dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here