Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Ambabaxay Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia halkaas oo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka wadamada IGAD.

Ka hor inta uusan ka ambabixin Madaxweynaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka Madaxweynaha dalka Injineer C/raxmaan Yarisoow waxa uuna sheegay in madaxweynaha uu ka qeyb galayo shirka madaxweyneyaasha wadamada IGAD kaas oo lagu qabanayo dalka Ethiopia.

Sidoo kale Injineer Yarisoow ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu ka jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya waxyaabaha u qorsheysan in looga hadlo shirka 7 bishan ka dhacayo magaalada London iyo arimo kale.

Injineer Yarisoow ayaa xusay in maanta magaalada Addis Ababa ay kulan ku yesheen wasiirrada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD iyadoo Soomaaliya ay uga qeyb galeyso R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here