Madaxweynaha oo Tacsi u Tegey Dalka Sacuudiga

Madaxweynaha oo gaaray Caasimada Faransiiska ee Paris
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA XASAN SHIIKH

23 Janaayo, 2015, Riyaad: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Riyaad, sii uu xukuumadda iyo Boqortooyada Sacuudiga ugala qeybgalo tacsida Boqor Cabdallaha Bin Cabdulcaziiz oo maanta geeriyooday.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Sii-Hayeyaasha wasaaradaha Cadaaladda iyo Difaaca, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Jeneral Maxamed Sheekh, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa la kulmi doona Boqorka cusub ee Sacuuudiga Boqor Salmaan iyo mas’uuliyiin kale oo sare si uu ula qeybsado tiiraanyada iyo tacsida boqorka geeriyooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Boqor Cabdalla uu ka dhintey dhammaan caalamka Islaamka, lana tebi doono doorkiisii suubbanaa ee uu ku lahaa arrimaha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here