Madaxweynaha oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Ra’isulwasaarihiisa cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah galabta ugu dhawaaqay Ra’isulwasaaraha cusub oo uu u magacaabay C/qadir Faarax Shirdoon (Saacid).

Shir jaraa,id oo uu goor dhaweyd ku qabtay madaxtooyada ayuu kaga dhawaaqay wasiirka koowaad, kadib 25 maalin oo uu ku jiray wada tashiyo ku aadan qofka uu u soo xulan lahaa jagadaasi.

Saacid oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ee qabiilka Daarood, ayaa ah nin ganacsada ah inta badana waqtigi bur burka ku noolaa dalka dibadiisa.

Goor dhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa taarikhdiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here