Madaxweynaha oo sheegay in dib loo soo celinaayo qaxootiga ku nool Italy

Madaxweyne Xasan Shiikh
Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, oo shalay ka hadlay munaasabad lagu xusayay maalinta midowga Yurub, islamarkaasina ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Doowladiisa iyo Doowlada Italy, ay ka wada hadlayaan sidii dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Italy, kuwaasoo aan weli helin sharciga Italy.

Waxa uu ka dhawaajiyay in wadahadalo meel wanaagsan maraya ay kula jiraan Dowlada Italy, si dib loogu soo celiyo qaxootiga ku nool xeryaha dalkaas.

In ku dhow kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa hada ku nool dibadaha, kuwaasoo dalka isaga cararay markii ay burburtay doowladii Milatariga 1991-dii.

Inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah kuwa tahriibay ee Badaha ku dhamaaday, ayaa dalka uga cararay xaalad amaan iyo shaqo la’aan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here