Madaxweynaha oo saacadaha soo aadan ku dhawaaqayo Ra’isulwasaare


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in uu saacadaha soo aadan doonayo inuu ku dhawaaqo Ra’isulwasaare.

Hal todobaad ayaa uga hartay Madaxweyne Xasan Sheekh mudada 30-ka cisho ee la rabo inuu kusoo magacaabo Ra’isulwasaaraha sida uu qabo dastuurka u dagsan Dowlada, sidaasi daraadeed ilo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada waxay leeyihiin miiska ayuu u saaranyahay madaxweynaha cidi uu xilkaasi u magacaabi lahaa.

Maalmihi lasoo dhaafay waxa uu ku mashquulsanaa wada tashiyo uu la yeelanay qabaa,ilka iyo, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu kala xaajoonayey arriinta Ra’isulwasaaraha.

Hadal uu u sheegay wakiilo ka kala socday ururada Bulshada Rayidka, ayuu Prof. Xasan Sheekh ku yiri in hadii uu Ra’isulwasaaraha soo daahiyey aysan daahi doonin Golaha Wasiirada.

Dadka u dhuun daloola siyaasada Dowlada cusub waxa ay leeyihiin madaxweynaha waxa uu diyaariyeyba wasiiro gaaraya 10 oo uu isaga wato kuwaas oo uu rabo in Ra’isulwasaaraha cuusb u gudbiyo.

Inkastoo aanan la ogeyn qofka uu noqon doono Ra’isulwasaaraha cusub hadana, waxaa la hadal hayaa inuu ku adkeysanayo in xilkaasi uu u magacaabo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, halka warar kale ay sheegayaan inuusan aheyn oo nin kale la wado.

Si kastaba, waxaa la filayaa inuu Xasan Sheekh iclaamiyo ninka uu usoo doortay inuu u maamulo xukumada saacadaha soo aadan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Leave a Reply to Araxeey Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here