Madaxweynaha oo Mooshinkii laga keenay ku eedeeyay Qabyo+Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii laga keenay Madaxweynaha ee markii dambe xal laga gaaray.

Waxa uu sheegay in xilligii mooshinkaas laga keenay uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,isla markaana uu u sheegay in mooshinkaas ay ka dambeeyeen kooxda Qabyo oo uu ula jeeday Xildhibaanada taageersan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Markii mooshinka la iga keenay ee aan la xiriiray guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu ii sheegay in mooshinka ay ka dambeeyeen xildhibaanada Qabyo,qaarkood ay ku jiraan saxiixyo laga been abuurtay oo Xildhibaano dibada ku maqan ay ku jiraan,ana waxaan u sheegay mooshinka inuu qabyo yahay maadaama wax walba ay qabyo uga tagaan ayuu yiri Madaxweyne .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here