Madaxweynaha oo marki ugu horeysay xilli habeen ah kormeeray furumaha ciidanka dowlada iyo saldhigyada Muqdisho + Sawiro

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay marki ugu horeysay  xalay kormeer ku tagay furumaha hore ee dagaalka iyo qaar ka mid ah saldhigyada ay ciidamada dowlada ku leeyihiin Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa xalay abaaro 1:00 habeenimo ee saqda dhexe u yeertay wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud isaga oo ku war geliyey in ay kormeer u tagayaan saldhiygada ciidamada ee Muqdisho.

Waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay isgosyka KM-4 ee halkaas oo uu ugu tagay askar aanan badneyn, wuu kasii tagay oo waxa uu maray isgoyska Tarabuunka, sidoo kale waxa lugta sii mariyey isgoysyada Kaasa Babulaare, Bakaaraha, H/wadaag, Xararyaale, Afarta Jardiino, Sanca, Fagax ilaa iyo Warshadi hore ee Baastada iyo Ex-koontarool Balcad iyo SOS.

Mudadi uu ku guda jiray madaxweynaha socdaalkiisa meysan jirin wariyaal madax banaan oo la socday, sidoo kalana cod ama hadal uu warbaahinta siiyey ma jirin, laakin war ay saakay sii deysay Radio Muqdisho oo ku hadla codka dowlada ayaa lagu sheegay in kormeerki xalay ee madaxweynaha uu ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw saraakiishi la socotay xalay madaxweynaha ayaa inoo sheegay in madaxweynaha uu xalay aad uga carooday meelihi uu booqday, sababo la xiriira askarta qaarkood oo aad u yaraa iyo iyaga oo intooda badan hurdayey.

Saldhigyada qaar waxa la leeyahay madaxweynaha wuxuu ku booqday gaadiid dagaal oo aysan cidina la joogin iyo askar tiro yar oo aanan joofigneyn.

Waa kormeerki ugu horeeyey ee uu madaxweyne Shariif ku tago xilli habeen bar ah saldhigyada ciidamada booliska iyo milatariga dowlada KMG Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xilli habeenadi lasoo dhaafay ay Al Shabaab madaafiic kasoo tuurayeen gudaha Magaalada Muqdisho taasi oo lagu bartilmaameedsanayey madaxtooyada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.