Madaxweynaha Oo Maanta Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay 5 Safiir

Shan safiir oo katirsan midowga Yurub ayaa maanta warqadahooda aqoonsiga waxaa ka gudoomay madaxweynaha Soomaaliya, Safiiradaan ayaa ka kala socda wadamada Jarmalka, Faransiiska, Spain iyo Belgium, iyo waliba Finland, ayaa noqonaya safiiradii ugu horeeyay ee dalalkooda umatala Soomaaliya in kabadan 21 sano.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu soo dhaweeyo xiriirka Soomaaliya iyo shanta dale e Safaaradahooda usoo magacaabay Soomaaliya.

Wasiirada arimaha dibada xukuumada Soomaaliya oo goob jog ka ahayd kulanka uu madaxweynuhu Safiirada uga gudoomayey waraaqahooda aqoonsiga ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay aad ugu faraxsan tahay arintaaasi.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in arintani ay muujinayso guulaha ay gaartay dowlada Soomaaliya mudada gaaban ee ay jirtay iyo sida ay beesha caalamku ay ugu heelan tahay taageerida dowlada Soomaaliya oo dadaal dheer ugu jirta soo nooleynta cilaaqaadkii ay Soomaaaliya la lahayd beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri ”Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo dhaweyno xiriika diblomaasiyeed ee nagala dhaxeeyo shan dal oo cusub.Soomaaliyana si tartiib ah ayey waxey dib ugu soo dhex muuqatay beesha caalamka. Waxaana sabab u ah taageradda ay la garabtaagan yihiin dalal ay ka mid yihiin Fransiiska, Jarmalka,Spain,Beljinka, iyo Findland oo qeyb ka qaadanayo horumarka iyo xalinta dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Ilaa iyo markii uu Madaxweyna Xassan la wareegay Madaxtooyadda ayaa waxaa soo kordhayo dalalka dib u soo celinayo xiriirkii kala dhaxeeyo Soomaaliya .Kadib, markii u Madaxweynaha booqday xarunta Midowga Yurub ee Brussels dhamaadkii bisha Janaayo si u gudbiyo fikirkiisa siyasadeed ee ku saleysan Lixda Tiir Siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here