Madaxweynaha oo maanta Muqdisho loogu soo dhoweeyey si aanan horay loo arag

Kumanaan dadweyna ah oo ku safnaa laga soo bilaabo garoonka diyaaradaha ilaa iyo agagaarka madaxtooyada ayaa maanta soo dhaweeyey madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha oo uu ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Xuseyn Carab Ciise ayaa kasoo laabtay magaalada London ee carriga dalka Ingiriiska halkaasi oo ay kaga soo qeybgaleen Shirki London.

Marki uu madaxweynaha soo gaaray agagaarka taalada Sayidka ayuu istaagay isaga oo goobta kula hadlay dadweyne fara badan oo kor u lulalyey calanka Soomaaliya.

Qudbad uu goobta ka jeediyey ayuu kaga hadlay ahmiyada shirka London oo uu ku sifeeyey shir rajo weyn ugu sugantahay umada Soomaaliyeed.

Sheekh Sharif ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada dowlada guulihi ay ka gaareen dagaaladi ay ku qabsadeen deegaano ka tirsan gobolka Bay.

Ugu danbeyntina waxa uu sheegay in uu bilowday wada hadalo u dhaxeeya dowlada KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Labada dhinac ayaa ka wada qeybgalay shirki London, waxaana warar maalmahan soo baxayey ay sheegayeen in madaxweyne Sharif uu kula kulmay London madaxweynaha maamulka Somaliland.

Dhanka kalana ra’isulwasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta ka dagay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway.

Afhayeen u hadlay xukumada ayaa sheegay in Ra’isulwasaare Gaas uu ka helay casuusmad rasmiga ah dowlada Norway, waxaana mudada uu joogo uu la kulmi doonaa madaxda dalkaas iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norway.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.