Madaxweynaha oo maanta booqday xeryaha dadka barakaca Muqdisho

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay xerooyinka dadka soo barakay ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Booqashada madaxweynaha oo lagu sheegay u kuur galida xaalada ay ku sugan yihiin dadka barakaca ah ayaa waxa uu ku tagay xerooyinka Rajo iyo Badbaado oo ah kuwa ugu weyn ee ay ku jiraan dadka barakaca ah.

Madaxweynaha ayaa warbixino kaga dhageystay qaar ka mid ah wax garadka dadka soo barakacay oo labadi bilood ee lasoo dhaafay sii yaraanayey maadaama laga gudbay xaaladi macluusha oo haatan xaalada abaarta ay hoos u dhacday.

Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa kadib marki shalay ay dad careysan oo ka mid ah barakacayaasha xerada Badbaado ay ugu baaqeen madaxweynaha inuu soo fara geliyo xaaladooda.

Waxa ay ka cawdeen dadka barakaca ah dhibaato ay ku hayaan hor joogayaasha kaamamka oo ay sheegeen in ay la wareegaan raashinka iyaga loogu tala galay iyo kaalmooyinka kale ee xaga bani, aadannimada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.