Madaxweynaha oo la kulmay xildhibaanadi xilka ka qaaday Sharif Xasan

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah xildhibaanadi xilka ka qaaday gudoomiyaha baarlamaanka.

Kulanka oo ahaa mid aanan la shaacin oo uu albaabada u xirnaa ayaa lagu falan qeeyey qilaafka baarlamaanka iyo habka ugu wanaagsan ee loogaga bixi karo.

Sida ay sheegayaan wararka madaxweynaha ugu baaqay xildhibaanada oo gaareyey 10 isla markaana wakiil ka ahaa 283 mudane oo 13-ki bishaan xilka ka qaaday gudoomiye Shariif Xasan Sheekh, hase yeeshee waxaa gaashaanka u daruuray baaqa xildhibaanada.

Mudanayaashan waxay ku adkeysteen in ay sax tahay xil ka qaadista ay ku sameeyeen afhayeenka baarlamaanka.

Madaxweyne Sharif ayaa qalad ku tilmaamay qalalaasaha baarlamaanka ee xiligaan waxaana uu ku baaqay in arinta la xasiliyo, sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa ka mamnuucay mudanayaasha in mudo 4 todobaad ah ay ku shiraan Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.