Madaxweynaha oo la dardaarmay ciyaartoyda Somalia u mataleysa Olombikada

XasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya tartanka Olimbikada adduunka ee RIO De Generia 2016-ka oo lagu qaban doono Dalka Brazil.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey islamarkaana guddoonsiiyey Calanka Soomaaliya ciyaariyahanada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016-ka gaar ahaan ciyaaraha fudud.

“Mar ka hore waxaa guul inoo ah oo muhiimadeedana leh inaan maanta ka qeybgaleyno tartankaasi, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyn doontaan ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016-ka gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeybgaleysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ayay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayntii u rajeeyey ciyaaryahanada oo maalinta berrito ah u ambabaxi doona Dalka Brazil inay guul ka soo hoyn doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here