Madaxweynaha oo ku guubaabiyey Al Shabab in ay hubka dhigaan

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay ururka Al Shabab in ay joojiyaan dagaalada dadkana ka dhaafaan dhibaatada ay ku hayaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay koox dagaal ku jirta aysan shareecada Islaamka ku xakumi karin dal ama gobol sidaasi daraadeedna aloo baahanyahay in marka hore ay hubka dhigaan kadibna u istaagaan iyaga oo urur ah in ay dadka wacdiyaan.

“Koox gacan qori ku wadadata gacanta kitaab Shareecada Islaamka kuma xakumi karto dalkaan, AL Shabaab waaan leeyahay hubka iska dhiga nabada qaata dadka dhibka aad ku heysaan ka daaya, adinka oo urur ah ama shaqsi ah wacdiya dadka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlada KMG ay tahay dowlad muslim ah horayna u balan qaaday in ay ku xakumiyeso dalkaan shareecada Islaamka isla markaana ay diyaar u tahay, balse marka hore loo baahanyahay in lagu guuleysto nabada.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan xaalad adag oo dhiig badanina daadanaya taasoo uu ku eedeeyey in Shabab ay daadinayaan dhiiga dadka masaakiinta ah.

Hadalkaan ayuu jeediyey madaxweyne Shariif kadib shir jaraa’id oo uu xalay mqribki ku qabtay magaalada Muqdisho.

Al Shabab horay ayey u diideen in ay wada hadalo iyo waan waan la galaan dowlada KMG Soomaaliya oo ay u yaqaanaan dowlada gaalo ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.