Madaxweynaha oo ku dhawaaqay dagaal cusub oo lala galayo Al-shabaab

Gudiga amniga qaranka doowlada soomaaliya, oo kulan deg deg ah xalay isugu yimid xaruunta madaxtooyada, ayaa waxay si weyn uga hadleen dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, iyo sababaha ay ku suurta gashay in mid kamid ah xaruumaha ugu waaweyn doowlada Soomaaliya, ay weeraro nuucas oo kale ah ay ka dhici karaan.

Kulankaas oo uu madaxweynaha Soomaaliya shir gudoominayay, ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa Saxaafada la hadlay Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana uu ku hanjabay in dagaal waji cusub leh ay doowlada la galayso dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in dagaalka ay ka qayb qaataan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagalka socda ee Al-shabaab ay wadaan uusan ku ekeen madaxda doowlada, hase yeeshee shacab iyo doowladba uu wadareeynayo, sidaa darteedna loo baahanyahay in si wadajir ah looga wada hortago.

“Dagaalkooda mudo wuu soo socday, waji kale ayuuna maanta yeeshay, dadka Soomaaliyeedna wajigaas cusub ee dagaalka, waa ineey u diyaar garoobaan, dhawaan waxaad arki doontaan dadaalo badan oo doowlada ka samayso magaalada Muqdisho, oo nimankaan lagula dagaalamayo, doowlada iyo Ciidankeeduna waxay garab ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, doowlada waxa ka go’an xoog iyo xeelad iyo caqli waxay hayso ineey nimankaas kula dagaalanto” sidaa waxaa yiri madaxweynha oo xalay wareysi siinayay TV-ga doowlada, markii uu soo dhamaaday kulan amaanka looga hadlayay oo ka dhacay xaruunta madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale baaq adag u jeediyay shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay in dagalka ay doowlada ku gacan siiyaan, hadii kale dhibaatada ay sideeda usii socon doonto.

“Colaada shabaab, iyo gumaadka ay shacabka ku haayaan waa nagu dheeraataye, yeeynaan ukala harin, nuuca dagaalka ah ee aad maanta aragteen wuxuu calaamad u yahay shabaab ineey jabeen, ineey guul dareysteen, ineey waayeen kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, waa inaan dadajinaa guuldaradooda,waxaana naga xigta hadba sida aan isu kaashano”.

Shalay ayay ahayd markii mid kamid ah Xaruumaha doowlada Soomaaliya marka loo eego dhanka dastuuriga ah, ay weerar ku ekeeyeen rag ka tirsan Al-shabaab,oo halkaas qaraxyo iyo weeraro toos ah ka geystay, waxaana halkaas ku dhintay dad gaaraya 30 qof, halka ay ku dhaawacmeen intaas in kabadan.

Waxaa xusid mudan in doowlada Britain ay digniin kasoo saartay todobaadkii hore xaalada magaalada muqdisho, waxaana warbixinta Ingiriiska lagu sheegay in Al-shabaab ay wadaan qorshayaal ay qaraxyo waaweyn uga geysanayaan xaruumaha doowlada iyo xaruumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoona muwaadiniinteeda uga digtay ineey usafraan wadanka Soomaaliya.

Hase yeeshee markii uu warkaan soo baxay waxaa kulan isugu yimid golaha wasiirada, waxayna hadalka ama digniinta Britain ku tilmaameen mid aan suurtagal ahayn, Al-shabaabna aysan awood u lahayn ineey weeraro ka gaystaan magaalada Muqdisho, laakiin waxaa hada muuqaneysa in digniinta ay soo saartay doowlada Ingiriiska ay durbadiiba soo iftiintay doowlada Soomaaliyana uu waaga ku baryay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here