Madaxweynaha oo ku armay hey’adaha ammaanka in ay baaraan dilka muwaadinka Turkiga

Madaxweynaha oo ka hadlay muwaadin Turki oo lagu dilay Muqdisho
Madaxweynaha oo ka hadlay muwaadin Turki oo lagu dilay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray qoyska, Dowladda iyo shacabka Turkiga iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Saadettin Dongan oo shaley koox hubeysan ay ku dileen  magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri “Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, Shirkadda Diyaaradaha ee Turkiga, Dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum Saadetin Dongan oo ka mid ahaa shaqaalaha Diyaaradda Turkiga (Turkish Airlines) una jooga Soomaaliya si uu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay hey’adaha ammaanka amar ku siiyey inay baaritaan ku sameeyaan dilka. “Kooxaha nabad-diidka marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka iyo tan dalka ayuu Madaweynuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilka muwaadinka Turkiga ee loogu geysto magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here