Madaxweynaha oo goor dhaw lagu wado inuu ka dago Garoowe

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Garoowe kadib marki ay ka amba baxeen Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa goor dhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Adan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana uu kusii jeedaa Garoowe halkaasi oo ay diyaar ugu yihiin madaxda maamulka Puntland iyo dadweyne fara badan oo loogu tala galay in ay soo dhaweeyaan.

Ujeedada safarkaan ayaa lagu sheegay ka qeybgalka shirka wada tashiga oo balantu aheyd inuu ka furmo halkaasi 20-ka bishan, hase yeeshee aad loogaga shakisanyahay inuu baaqdo.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana wadooyinka hada tuban qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo diyaar u ah in ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyaan madaxweynaha.

Wixi kusoo kordha warka madaxweynaha kala soco Midnimo.com

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.