Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Adde International, ayaa sheegaya in saakay halkaas ay soo caga dhigatay diyaarad sida wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Wafdiga madaxweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay wadahadalo magaalada Stanbul kula lahaa madaxda maamulka Soomaaliland, ayaa markii ay garoonka kasoo dageen, waxaa warbaahinta lahadlay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

‘’ Go’aano  wanaagsan ayaa ka soo baxay wadahadalkii labada gudi kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in la isla qaato go’anadii ka soo baxay wadahadaladii ay SoomaaliLand la yeelatay xukuumadii hore ee KMG aheyd,  in wadahadaladu sii socdaan shir kalena la isugu yimaado Sagaashan Maalmood gudahood,  in la iska kaashado  dhinacyada amniga tababarada iyo xog isdhaafsiga,  waxaana rajeyneynaa inaan mustaqbalka ka wadahadalno  qodobo kale oo intaa ka Muhiimsan’’ sidaas waxa warbaahinta u sheegay wasiirka arimaha gudaha doowlada Federaalka mudane C/kariin Xuseen Guuleed.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa soo bilaawday sanad kahor, gaar ahaan xiligii ay doowlada KMG ah ka talineysay wadanka, waxaana wadahadaladii ugu danbeeyay ii shalay Stanbul lagu soo gaba gabeeyay, noqonayaan kuwii 3aad, oo ay yeeshaan labada dhinac.

Doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa iyada ku dadaaleeysa in ay si nabad galyo ah kusoo celiso midnimadii Soomaaliya, halka Somaliland ay iyadana ku adkeeysaneyso in aan marnaba gor gortan la galin Karin gooni isku taagooda.

Soomaaliland, ayaa tan iyo 1991-dii waxay radineysay Ictiraaf, laakiin majirto ilaa iyo hadda doowlad aqoonsatay, inkastoo ay ku dadaaleen dhanka nabad galyada, sidoo kale waxaa Somaliland ka dhacay doorashooyin madaxtinimo, iyadoo shacabka maamulkaas ay ahaayeen kuwo si dimoqraadiyad ah codkooda ku dhiibteen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here