Madaxweynaha oo Casho Sharaf u Sameeyay Xildhibaanada Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka casho sharafta ah waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , Ra’isul wasaare Cabdi Shirdoon , Gudoomiyaha Baarlamaanka Pr Maxamed Sh Cusmaan Jawaari , ku xigeenada Gudoomiyaha Baarlamaanka , Golaha Wasiirada , iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pr Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inay baarlamanaka qabteen howl adag , taasoo uu sheegay inay ku guuleysteen.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay goobta , wuxuuna si weyn ugu mahadceliyay Baarlmaanka shaqada ay qabteen iyo sida ay wax u wadaan.

Madaxda ka hadashay kulanka ayaa casho sharafta isugu hambalyeeyay qaabka wanaagsan ee ay u socoto shaqada Dowlada cusub , waxaana ay meesha ka balan qaadeen in masuul kasta uu qaban doono shaqada uu u hayo umada soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here