Madaxweynaha oo cambaareeyey qaraxyadi shalay lagu laayey 18 ruux oo ay ku jireen 3 wariye

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerar ay laba qof oo naftuud dilayaal ah iskula qarxiyeen maqaayad galbihi la siugu yimaado oo ku taalo kasoo horjeedka Tiyaatarka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaasi waxaa ku dhintay 18 ruux oo sadex ka mid ahi ay ahaayeen wariyaal caan ka ahaa dalka oo kala ah, Liibaan Cali Nur, C/sataar Daahir Sabriye iyo C/raxmaan Yaasiin, labada hore waxay ka tirsanaayeen Telfashinka Qaranka ee SNTV, halka Mr. Yaasiin uu ahaa agaasimaha Radio VOD.

Hadal uu xalay ka jeediyey Radio Muqdisho ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud codka ugu adag ku cambaareeyey, waxaana uu ku tilmaamay weerarkaasi in ay muujineyso sida ay Al Shabab uga go,antahay in aysan rabin la dhaqanka umada Soomaalida iyo in aysan diyaar u aheyn in wadahal la sameeyaan Dowlada.

Wuxuu sheegay in Dowladiisa cusub aysan qaraxyadaasi ka leexin doonin siyaasada ay ku dhaqaaqeyso, isla markaana dhawaan amaanka guud wax laga qaban doono.

Taliyaha Nabadsugida Dowlada Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo isna ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in dhawaan ay dadka Soomaaliyeed maqli doonaan war ay ku farxaan sida uu yiri oo ah qabashada dadki soo maleegay.

Gudoomiyaha Saxafiyiinta Africa Cumar Faaruuq Cismaan oo saakay ka hadlay weerarki shalay gabal dhici ayaa cambaareeyey wuxuuna sheegya in maalin maalmaha ka mid ah lagula xisaabtami doono falkaasi wuxushnimada ah.

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho dhamaan dadki ku dhintay qaraxyadi shalay ka dhacay degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here