Madaxweynaha oo cafis kusii daayey 219 maxbuus oo ku eedeysnaa in ay Al Shababa ahaayeen

Madaxweynaha Dowlada KMG Somalia ayaa maanta cafis ku sii daayey 219 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Munaasabad ka dhacday xabsiga ayaa lagu fasaxy maxaabiistaan oo da,doodu u dhaxeysay 15 1laa iyo 30 kuwaasi oo ay ku jireen 7 ajnabi ah oo u kala dhashay dalalka Tanzania iyo Zanzibar.

Wasiirka Garsoosrka Ugaas Bile oo hadal ka jeediyey xabsiga dhexdiisa ayaa u sheegay maxaabiista lasii daayey in ay ku baxeen casika madaxweynaha isaga oo kula dardaarmay in ay ka towbad keenaan danbiyadi lagu soo xiray.

Taliyaha ciidanka asluubta, G/sare Cabdi Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in ay xabsiga ku sugayaan qof kasta oo danbi gala oo ka mid ah maxaabiisti maanta lasoo daayey, isaga oo intaasi ku daray in qofki mar kale lasoo qabta uusan waligiis xabsiga kasoo bixi doonin.

Talaabadaan ayaa u muuqato mid uu madaxweynaha qeyb uga dhigayo ololihiisa doorashada madaxweynaha oo maalmaha dhaw ee fooda nagu soo haya lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here