Madaxweynaha oo Amarkiisi Shaqeyn Waayay iyo Ciidamada Dowlada oo Isbaarooyinka laba laabay

Maalin ka hor madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa uu soo saaray amar adag, waxaana uu dardaaran siiyay saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin Maamulada Degmooyinka ee dhigta Isbaarooyinka iyo Ciidamada dadka ku dhaca luuqyada, hadalka madaxweynaha ma ahayn mid ay soo dhaweeyeen dadka isbaarada dhigta ha ahaadaan maamul ama ciidan.

Magaalada Muqdisho waxaa yaala isbaarooyin badan , waana garaneynaa cida ay u yaalaan iyo lacagta meesha ay ku xarooto waxaa hadalkaasi yiri madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo la hadlayay laamaha amaanka.

Madaxweynaha ayaa amray in la toogto cidii isbaaro dhigata, sidoo kale wuxuu amray in la toogto askarigii kufasadaa gabar Soomaaliyeed.

Hadalkaasi shacabka way u riyaaqeen , wayna soo dhaweeyeen , balse waxaa ka hor yimid maamulada degmooyinka iyo ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Degmooyin badan oo ka tirsan Muqdisho waxaa wali yaala isbaarooyinka, waxaana lagu dhacaa laguna baartaa shacabka iyo Gaadiidleyda BL-ka ah ee ka shaqeeya Muqdisho.

Degmooyinka ay isbaarada wali yaalaan waxaa ka mid ah Dharkeleey , Wadajir , Shibis , Boondheere , Huriwaa , Howlwadaag, Kaaraan , Xamarweyne, dhamaan degmooyinkan waxaa ka jira maamul iyo ciidamo dowlada ay leedahay, waxayna dhagaha ka fureysteen amarkii ka soo baxay madaxweynaha Dalka Soomaaliya.

Hadii labada maalin ee soo socota wax laga qaban waayo isbaarooyinka Muqdisho waxaa meesha ka baxeysa balamihii uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo ay suuragal tahay in dadka qaar xataa aaminaan inaysan meesha ka jirin Dowlad iyo kala dambeyn.

Hadalka madaxweynaha ayaa wadno qabad ku noqday Gudoomiyayaal badan , waxayna lacago badan ka qaataan isbaarooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Fiiri sida aad u hadleysaan si wax hagaajin ah ma ahan. Waanan ka xumahey inaan kulligeen nahey dad talo xumo lagu ibtileeyey macal madaxdeenna. Madaxweynaha waxey aheyd inuu diyaariyo qorshe ku xiga amarkaas oo la qaadayo. Waxaan Ilaahey ka rajeynayaa inuu yahey qorshahaasi mid diyaarsan.

    Talooyinka muhimkaa oo madaxweynaha laga doonayo waxaa ka mid ah:

    1. In la gaarsiiyo qabiilooyinka iyo shakhsiyaadka isbaarada dhiganaya inaan lala gor gortameyn oo qofkii isbaaro dhigta la dilayo.

    2. In ciidammada isbaaradu u taallo oo degaankaa la xareeyo oo dhaqan celin loo sameeyo.

    3. In meelaha isbaarada laga qaadey la dhigo ciidan kale oo dishibiliin leh oon lacag qaadan.

    4. In dadka degaanka la wacyi geliyo oo howsha laga qeyb geliyo.

    5. In la fuliyo tahdiidka oo madaxa laga toogto askarta isbaarada dhiganeysa meeshii lagu arko.

    Shabaabka dhulka ay ka taliyaan maxaa isbaaro u diidey? waa cabsi. Adigana waa in lagaa cabsadaa.

    Midda kale maanta in qabiil laga cabsado ma ahane waa in qabiilkii madaxa taaga la dar daraa. Dadkaani cabsi ayey wax ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here