Madaxweyne Shariif: Muqdisho waxay jirtaa 1,000 sano marka waa in aan hagaajinaa

Madaxwenaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday dhamaan dadka reer Muqdisho in ay u istaagaan sidi ay uga dhigi lahaayeen caasimada magaalo ay ka muuqato cimriga iyo ilbaxnimada ay leedahay.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadi dadka loogaga saaray guriga Hooyooyinka shalay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hagaajiyo bilicda iyo nadaafada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay magaalo taariikhi ah oo kirto 1000 sano.

“Magaalada Muqdisho waa magaalo qadiimi ah oo jirto in ka badan 1,000 sano marka waa inaan u ekeysiinaa cimrigaasi iyo magaalada, sababtoo ah hadii magaalo ay tahay magaalo xadaaradeed waa in dhismaha iyo bilicda ay ka muuqataa,” ayuu yiri.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhamaan dadka ku jiro xarumaha guud ee dowlada in ay si dag dag ah uga baxaan, sida ay uga baxeen dadki deganaa Guriga Hooyooyinka iyo xaruntii Jaamacada Umada.

Shalay ayey dowlada Soomaaliya ku guuleysatay in ay ka saarto qoysasa fara badan dhismooyinki hore ee dowlada kadib marki ay dhamaatay mudo 12 maalin ah oo loo qabtay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. bulsha walba waxey xaq kuledahay dowladeeeda, iney ka taa kuleyso. Dhibwalba ee soo wajaha. Muwaadiniinta somaliyed. Ee jooga dalkooda. Hadana heysan hooy ay ku hoydan. Hadii laga saaray goobahii. Ay muqdisho ka daganaayen. Xageey dagayaan. Maloo diyaa riyay guryo ay dagaan. Muwadin walba oo an heysan hooy wuxuu xaq u leeyahay in ay dowladiisa siiso hoooy. Hadaba madax weynaha munaasabada u qabtay. Kasaarida dadka dhibaateysan guryahooda. Hala weydiiyo dadka halkee geeyeen. Tan kale hadii la qurxiyo dhismooyinkaa yaa dagaya..

Comments are closed.