Madaxweynaha oo markii la doortay ay kasoo wareegtay sanad

Xasan SheekhMaanta oo kale, 10-kii September sanadkii 2012- ka waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorashadii ugu horeesay oo la soo doorto madaxweyne 22-sano kaddib.

Doorashadaas waxaa ka qaybgalay 20-musharax, balse markii dambe waxaa isgu soo haray labo musharax oo kala ah, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. waxaana markii dambe ku guuleestay doorashada habeenkaas Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha markii la doortay wuxuu ka dhawaajiyay waxa uu ka dhawaajiyay dhowr qodob, kuwaas oo uu aasaas uga dhigayo dowladiisa cusub.

Qoddobadaas waxaa ka mid ahaa ammaanka iyo dhaqaalaha dalka

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo dadka qiimeeya xaaladaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan wax ka qabsoomidda ballanqaadyadii madaxweynaha Soomaaliya xilligii doorashada, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagana muujinaya fikrado kala duwan oo ku aadan dowladda Xasan Sheekh.

In kastoo dowladda haatan ay noqotay tii ugu horreysay oo aqoonsi caalami ah hesha tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 , caqabado dhinaca ammaanka ah ayaa ka jira dalka.

===============================================================================================

Waxaa naga xasuus ah. Haddaba maxaa islee dahay akhristow madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladiisa waa ay  u qabsoomeen muddada sannadka ama u qabsoomi waayay, fikirkaaga ku soo qor qaybta hoose.

===========================================================================================

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here