Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo kulamo ku leh Hobyo Burcadbadeeda Soomaalida

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xasan Cawaale (C/Qeybdiid) ee dhawaan la doorta murankana uu ka taagan yahay xilkiisa y ayaa waxa uu hawlo shaqo ku joogaa degmada Hobyo ee gobbolka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu kulamo kula qaadayaan degmadaasi saraakiil ka tirsan Burcadbadeeda Soomaalida kuwaasi uu ku sugan degmadaasi.

Madaxweyne C/Qeybdiid ayaa la tilmaamay in uu kala hadlayo Burcadbadeeda Sidii ay u sii deyn lahaayeen saraakiil iyo shaqaalo ajaanib ah oo afduub ahaan ay u heystaan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/Qeybdiid ayaa hoosta ka xarriiqay in wada hadaladaasi ay u jeedan doonaan burcadbadeeda hadii ay ka dhaga adeegaan uu la dagaalami doono.

Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa waxa uu hadalkaani ka jeediyey deegaanka Juwaan oo ku dhaw degmada Hobyo.

C/Qeybdiid ayaa isaga xiliga ku taagan inuu yahay Madaxweynaha Galmudug halka Caalin uu isana ku andoocanayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here