Madaxweynaha maamulka Galmudug oo kala diray golaha baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta kala diray Golaha Baarlamaanka.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Colonel Caalin ayaa lagu sheegay in kadib marki ay badatay dooda iyo is qab qabsiga baarlamaanka uu go,aansaday inuu kala diray mudanayaasha.

Go,aankan kasoo baxay madaxweynaha maamulka Galmudug oo ah maamul ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ayaa laga yaabaa in ay u cuntami weydo Mudanayaasha baarlamaanka.

Hiraanti bishan ayey aheyd marki ay xil ka qaadis ku sameeyeen baarlamaanka madaxweyne Caalin, hase yeeshee Mr Caalin arintaasi wuxuu ku tilmaamay sharci daro iyo shir qool ay ka danbeeyaan shisheeye.

Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ka taliyaa dhinaca koonfureed ee magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.